SRC oo doonaysa in mushaarka loo kordhiyo madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo xildhibaannada

0
361

Guddiga jaangooya mushaaraadka iyo gunnooyinka ee SRC ayaa soo jeediyay in mushaar kordhin loo sameeyo shaqaalaha dowladda oo ay ka mid yihiin madaxweynaha dalka, ku xigeenkiisa, wasiirrada iyo xildhibaannada baarlamaanka.
Mushaar kordhinta ay ku talinaysa SRC ayaa dhan boqolkiiba 14.
Guddiga ayaa doonaya in mushaarka billaha ee madaxweynaha dalka oo hadda ah 1,433,750 in laga dhigo 1,650,000 oo shilin halka madaxweyne ku xigeenka wadanka oo mushaar ahaan u qaata 1,227,188 looga dhigaya 1,402,500 oo shilin.
Wareegto ay SRC soo saartay ayaa waxaa ku cad in mushaar kordhintan lagu dhaqangelinaya labo sano maaliyadeed gudahooda oo ka billaabanaysa bisha Toddobaad.
Haddii uu qorshahan meel maro, lacagaha ay qaataan wasiirrada, xeer ilaaliyaha guud, madaxa waaxda adeegga dadweynaha iyo xoghayaha golaha wasiirrada oo hadda ah 924,000 oo shilin ayaa la gaarsiin doonaa 1,056,000 oo shilin.
Isbeddelladan ayaa qayb ka ah dib u eegis dhanka mushaaraadka ah oo uu guddiga SRC sameynaya markii afaraad.
Saraakiisha kale ee dowladda ee lagu wado inay qorshahan ka faa’iidaan ayaa kala ah xoghayeyaasha joogtada ah ee wasaaradaha , guddoomiyaasha baarlamaanka iyo aqalka sare , hoggaamiyaasha aqlabiyadda iyo madaxda siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee labada gole , madaxa cadaaladda ee dalka , garsoorayaasha maxkamadaha ,barasaabyada iyo guddoomiyaasha guddiyada dastuuriga iyo xafiisyada madaxa bannaan.
Hasa ahaate soo jeedinta SRC ayaa loo bandhigi doonaa dadweynaha si ay afkaartooda uga dhiibtaan ka hor inta aynan si rasmi ah u dhaqangelin.