Qarashaadka la xiriira adeegyada ay dowladda u fidiso shacabka ayaa lagu bixin doonaa hal nambar oo ah Paybill 222222.
Waxaa arrinkan maanta shaaca ka qaaday madaxweynaha wadanka William Ruto oo daahfurayay barnaamij lagu casriyeynaya adeegyada dowladda.
Hoggaamiyaha dalka ayaa amray in la xiro dhammaan nambarrada kale ee ay dadweynaha ku bixiyaan lacagaha adeegyada ay helaan ee waaxyaha dowladda dhexe.
Barnaamijka dhijitaalka ee uu hoggaamiyaha dalka maanta daahfuray ayaa loo yaqaano Gava Mkononi.
William Ruto ayaa xusay in la doonaya in muddo 90 cishe gudaheeda ah lagu xiro nambarrada kale si loo xoojiyo isla xisaabtanka.




