DHAGEYSO:Senatarka Busia oo maxkamadda u gudbiyay dacwad ka dhan ah xeer maaliyadeedka

0
276

Senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah ayaa maxkamadda geeyay dacwad ka dhan ah xeerka maaliyadda ee sanadkan 2023-ka.
26-kii bishan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu saxiixay hindise maaliyadeedkii uga soo gudbay baarlamaanka sidaasina ku dhaqangalaya 1-da bisha toddobaad ee July.
Okiya Omtatah ayaa doonaya in maxkamadda ay dadajiso dhageysiga dacwadda uu gudbiyay, maadaama qorshaha maaliyadeed ee dowladda lagu tallaabi qaadi doono berri.
Waxaa uu maxkamadda ka codsaday inay hakiso dhaqan galka xeerkan , ilaa laga soo gabagabeeyo dhageysiga dacwadda uu geeyay oo waxyaabaha uu ku saleynaya ay ka mid tahay in hindisaha aan lala wadaagin aqalka sare iyadoo ay qayb ka yihiin qodobbo taabanaya dowlad deegaannada.