DHAGEYSO:Howlwadeenada shirkadda biyaha ee Malindi oo dibadbax dhigay

0
279

Howlwadeenada shirkadda biyaha iyo maareynta bullaacadaha ee deegaan baarlamaaneedka Malindi ee MAWASCO ayaa maanta dibadbax dhigay.
Ciidamada booliiska ayaa sunta dadka ka ilmaysiisa ku kala eryay shaqaalaha dibadbaxa dhigay.
Waxaa ay ka cabanayaan mushaar yari, islamarkaana muddo 7 sano aan loo sameynin mushaar kordhin.

Dhanka kale mid ka mid ah saraakiisha maamulka sare ee shirkadda biyaha iyo maareynta bullaacadaha ee MAWASCO ayaa sheegay in shaqaalaha dibadbaxa dhigay aysan diyaar u ahayn wada hadal.