Waxaa lagu soo warramayaa inuu toogasho ku dhintay sarkaal booliis oo ka howlgalayay saldhigga ciidamada ee Kimala ee deegaanka Taveta oo ka tirsan ismaamulka Taita Taveta.
Waxaa saaka toogashada gaystay askari ay wada shaqeynayeen midka dhintay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in eedeysanaha ka dib markii uu saaxiibkiisa afar mar toogtay in uu isagana is toogtay in kastoo uu dhaawacmay .
Askariga ayaa hadda lagu daaweynaya isbitaalka deegaanka
Taveta waxaana socdo baaritaano ay laamaha ammaanka ku ogaanayaan sababta keentay inuu falkaasi ku dhaqaaqo.