Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Mr. Ezekiel Machogu ayaa ballan qaaday in dowladda dhexe ay dugsiyada ku wareejin doonto lacagaha loogu talagalay ee aan weli la gaarsiin.
Arrintan ayuu ka sheegay ismaamulka Mombasa oo uu uga qayb galay shirka sanadlaha ee ururka maamulayaasha dugsiyada sare ee wadanka ee (KESSHA).
Machogu ayaa carrabka ku adkeeyay in la diyaariyay tallaabooyin mustaqbalka looga hor tagaya inuu dib u dhac ku yimaado bixinta lacagaha dugsiyada si looga baaqsado saameyn soo gaarta geeddisocodka waxbarasho.




