Xildhibaan doonaya in la xakameeyo dibadbaxyada

0
270

Mudanaha deegaan baarlamaneedka Waqooyiga Mbeere ee ismaamulka Embu , Geoffrey Ruku ayaa soo saaray hindise sharciyeed ku aaddan in la xakameeyo mudaaharaadyada ka dhaco gudaha wadanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dastuurka dalka uu qofka xaq u siinaya inuu dibadbax ka qayb qaato balse ay lagama maarmaan tahay in isku soo baxyadan la nidaamiyo.
Mr.Ruku ayaa intaasi ku daray in mudaaharaadyo horay u dhacay ay dad badan ku dhinteen sidoo kalena lagu burburiyay hanti dadweyne.
Waxyaabaha uu ku talinaya waxaa ka mid ah in ciidamada booliiska la siiyo awoodo dheeraad ah oo ay ku baajin karaan dibadbaxyada qorsheysan.
Sidoo kale waxaa uu doonaya in dadka soo qaban qaabiya dibadbaxyada lagula xisaabtamo saameynta ka dhalatay.
Waxyaabaha ku xusan hindise sharciyeedka mudanaha waxaa ka mid ah in dadka mudaaharaadka sameynaya aynan adeegsan karin waddo aan ahayn midda ay horay u sheegeen inay isticmaali doonaan.
Sidoo kale waxaa uu doonaya in dibadbaxayaasha aynan adeegsan qoraallo iyo oraah naceyb iyo kala qaybin bulsho ku saleysan.
Xildhibaanka ayaa soo jeedinaya in cidii ka qayb gasho dibadbax sharci darro ah in la xiro muddo hal sano ah.