Madaxweynaha dalka oo muslimiinta ugu hambalyeeyay Ciidul Adxaa

0
365

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo saaray bulshada muslimiinta ah ee ku nool gudaha wadanka ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxaa ee ay maanta u dabbaal degayaan.
Madaxweynaha ayaa wadanka ugu duceeyay inuu sii ahaado mid nabad ah oo horumar iyo barwaaqa gaara.
Dabbaal degga Ciidul Adxaa ayuu ku tilmaamay mid ka turjumaya farxad , in wax la huro iyo raaligelinta Alle.

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sidoo kale hambalyada iyo farxadda Ciida la wadaagay kenyaanka muslimiinta ah.

Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa isna bulshada u diray hambalyada ciida.