Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa isbeheysiga mucaaradka uga digay inay dhigaan dibadbaxyo rabshadeysan oo ka dhan ah hindise maaliyadeedka uu baarlamaanka ansixiyay.
Digniinta madaxweynaha ayaa imaanaysa iyadoo maanta siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio uu fagaaraha Kamukunji Grounds ee magaalada Nairobi uu ku qabanaya isku soo bax dadweyne oo la filaya inay ku shaaciyaan tallaabada xigta ee ay qaadayaan.