Mucaaradka oo dowladda u sheegay inay u diyaar garowdo dibadbax

0
214

Hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka dalka,Opiyo Wandayi ayaa sheegay in isbeheysiga Kenya Kwanza laga doonayo inuu isku diyaariyo dibadbax aan la joojin karin.
Wandayi ayaa deegaanka Nyatike ee ismaamulka Migori ka sheegay in isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya uu guda geli doono inay qaadaan tallaabooyin waawayn oo ay suuragal tahay in aan la joojin waqti dhow.
Waxaa uu ku celceliyay inaynan ka aamusi doonin canshuurta dheeraadka ee ay dowladdu soo rogtay.
Guddoomiyaha xisbiga ODM ,John Mbadi ayaa dhankiisa sheegay in canshuurta la soo saaray aynan maamulka talada wadanka haaya ka caawin doonin inuu uruuriyo dakhli lagu horumarinaya dalka.
Mbadi ayaa xusay in dhaqaalaha dalka aan lagu kobcin karin in canshuur dheeraad ah la saaro dadweynaha.