Dowladda oo dib u habeyn ku sameynaysa waaxda mootooyinka

0
202

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu dib u habeyn ku sameyn doono waaxda mootooyinka ee dalka oo laga helay ilaa 1.5 milyan oo shaqooyin ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in waaxdan ay sanad kasta soo saarto 300 bilyan oo shilin.
Madaxweynaha Kenya ayaa xusay in wadayaasha mootooyinka ay ka tirsanaan doonaan ururro nidaamsan , in tababarro la siinaya sidoo kalena macluumaadkooda la keydinaya.
Waxaa uu sheegay inay xaqiijin doonaan in tababaridda wadayaasha mootooyinka iyo leesimada la siiyo aynan ku bixin wax ka badan 2500 oo shilin.
Arrimahan ayuu ka hadlay xilli uu xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi uu ku soo bandhigay barnaamijka awoodsiinta wadayaasha dhugdhugleyda.
Waxaa uu halkaasi ka sheegay in wajiga koobaad ee barnaamijkan lagu tababari doono 200,000 oo ka mid ah wadayaasha mootooyinka oo laga soo xulanaya 47-da ismaamul.
Waxay sidoo kale ka faa’iidaysan doonaan caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF iyadoo tababarrada looga gol-leeyahay in wax badan looga fahansiiyo badqabka si loo yareeyo shilalka saameeya.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuunan marnaba oggolaan doonin in la siyaasadeeyo waaxda mootooyinka.