Guddi shaqaaleysiinaya agaasimaha dacwad oogidda oo la dhaariyay

0
170

Waxaa la dhaariyay guddi ka kooban toddobo xubnood oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay inay ka shaqeeyaan sidii lagu howlgelin lahaa agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka ee (DPP).
Tani ayaa timid ka dib markii Nuurdiin Maxamad Yuusuf Xaaji uu noqday agaasimaha guud ee adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS.
Xubnaha guddigan ayaa waxaa dhaariyay guddiga adeegga dadweynaha ee PSC.
Guddoomiyaha PSC ,Anthony Muchiri ayaa xubnaha kula taliyay in si ay daacadnimo ku dheehan tahay uga soo baxaan waajibaadka loo igmaday.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu ku kalsoon yahay shakhsiyaadkan oo uu aaminsan yahay inay gudan karaan shaqada hor taalla ee shaqaaleysiinta agaasimaha waaxda dacwad oogidda.
Muchiri ayaa xusay in xubnaha looga baahan yahay in marka ay raadinayaan qofka xiga ee u qalmo jagadan uu dastuurka wadanka qeexaya inay muujiyaan dadaal, cadaalad iyo hufnaan iyagoo raacaya shuruudaha dhanka sharciga ee jira.
Waxaa uu u sheegay in kenyaanka aynan ka rajeynayn wax ka hooseeya daahfurnaan, dhexdhexaadnimo , wax sax ah sidoo kalena ay la xisaabtamayaan si ay u soo xulaan dacwad ooge leh hufnaan sare , madax bannaan oo mas’uuliyadiisa si cadaalad ah uga soo bixi karo.
Muchiri ayaa xubnaha u sheegay inay soo xushaan qof ilaalinaya kalsoonida shacabka ay ku qabaan xafiiska ODPP sidoo kalena aan wadanka u horseedayn sumcad xumo.
Toddobbada xubnood ee la dhaariyay ayaa kala ah xoghayaha guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha dalka ee (COTU) Francis Atwoli, madaxa fulinta ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC Twalib Mbarak, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda adeegga dadweynaha Mary Kimonye , qareenka dowladda dhexe Shadrack Mose, Mary Adhiambo, Roseline Odede iyo Richard Onsongo.
Shadrack Mose ayaa sheegay inay shaqadooda u gudan doonaan si waafaqsan xeerarka dalka iyagoo xaqiijinaya daahfurnaan iyo cadaalad la xiriirta soo xulashada agaasimaha xiga ee waaxda dacwad oogidda wadanka.
Xafiiskan agaasimaha loo raadinaya ayaa ka shaqeeya arrimaha dacwad oogidda ee falal dambiyeedyada wuxuuna go’aan ka gaara kiisaska mudan in maxkamadda loo gudbiyo iyo kuwa aan caddeyn wax ku ool ah loo hayn ee meesha laga saaraya.
21-kii bishan ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka William Ruto toddobada xubnood ee la dhaariyay uu magacaabay.