DHAGEYSO:Aqalka sare oo laalay xil ka qaadistii barasaab ku xigeenka Siaya

0
143

Senatarrada aqalka sare ee dalka ayaa cod aqlabiyad leh waxba kama jiraan uga soo qaaday tallaabadii ay wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Siaya ay xilka uga xayuubiyeen barasaab ku xigeenka dowlad deegaankaasi William Oduol.
27 senatarro ah ayaa codkooda uga soo horjeestay eedeymihii lagu saleynayay xil ka qaadistii Oduol oo uu taageeray guddigii gaarka ahaa ee aqalka sare uu u saaray baaritaannada.
Guddigan oo ka koobnaa 11 xubnood oo uu guddoominayay senatarka ismaamulka Elgeyo Marakwet ,William Kisang ayaa sheegay inuu ku qancay in William Oduol uu si khaldan u adeegsaday awoodiisa xafiiseed sidoo kalena uu muujiyay habdhaqan xumo maadaama uu dadweynaha siiyay xog aan sax ahayn.
In kastoo 16 ka mid ah senatarrada aqalka sare ee ka tirsan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ay u codeeyeen inuu xafiiska banneeyo ku xigeenka barasaabka ismaamulka Siaya , William Oduol haddana waxaa taasi codkooda uga soo horjeestay 27 senatar taasoo uu ku badbaaday mana jirin cid ka aamustay sida uu shaaciyay guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Kingi.

Kingi ayaa sheegay in iyadoo la cuskanaya farqada 181-aad ee xeerka dowlad deegaannada iyo qodobka 87-aad ee xeer hoosaadka aqalka sare ,in senate-ka uu ku guul dareystay inuu xafiiska ka saaro William Oduol sidaasi awgeedna uu shaqadiisa sii wadan doono.