DHAGEYSO:Gaabadka macallinimada dalka oo ah ku dhawaad 110,000

0
360

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in tirada macallimiinta ee la doonayo in laga howlgeliyo gudaha wadanka ay tahay ku dhawaad 110,000.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe ay sanad maaliyadeedkan arrimaha waxbarashada u qoondeysay 650 bilyan oo shilin.
Madaxweynaha ayaa xusay in bishii koowaad ee sanadkan la shaqaaleysiiyay 35,000 oo macallimiin ah sidoo kalena uu jiro qorsho lagu howlgelinaya 25,000 oo dheeraad ah.