Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inuu difaacaya madax bannaanida warbaahinta .
Waxaa uu sheegay inaynan jiri doonin caburinta xurriyatul qowlka.
Madaxweynaha ayaa xusay in dowladda dhexe aynan lahayn qorsho ay ku xaddidaysa xurriyadda iyo xuquuqda cid kasta oo ay ahaataba.
Tani ayaa timid ka dib markii cilmi baaris ay sameysay hay’adda wariyaasha aan xuduudda lahayn lagu ogaaday in Kenya ay hoos u dhacday marka la eego xaqiijinta madax bannaanida saxaafadda maadaama ay sanadkii hore caalamka uga jirtay nambarka 69-aad balse ay hadda tahay nambarka 116-aad.




