Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu bixiyay dhammaan lacagaha ay dowladda dhexe ugu talagashay in ismaamullada wadanka ay si siman u qaybsadaan.
Tani ayaa timid ka dib markii siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya ay dowladda dhexe ku dhaliileen inay caqabad ku noqotay bixinta adeegyada ismaamullada maadaama aan miisaaniyadooda lagu wareejin xilliga habboon.
Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa Kajiado hoosta ka xarriiqay in uunan jirin ismaamul hal shilin ku leh dowladda sare.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale cadeeyay in maamulkiisa uunan qaadan doonin deymo si loogu xalliyo caqabadda maaliyadeed ee jirta.
Waxaa uu xusay inay xoogga saarayaan uruurinta dakhli maxalli ah.




