Mbadi oo xildhibaannada aan daacadda u ahayn ODM ka dalbaday inay is casilaan

0
333

Guddoomiyaha xisbiga ODM, John Mbadi ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin aan xisbiga daacad u ahayn sidaasi awgeedna laga doonaya inay is casilaan.
Tani ayaa timid ka dib markii qaar ka mid ah xildhibaannada ODM ay codkooda ku taageereen hindise maaliyadeedkii uu baarlamaanka ansixiyay.
Mbadi ayaa hadda sheegaya in maadaama madaxdan aynan raacin mowqifkii xisbiga mucaaradka ee ODM uu ka qaatay qorshaha maaliyadda ee dowladda ay xildhibaannadan qasab ku tahay inay xafiisyada banneeyaan si mar kale loo soo doorto.
Waxaa uu xusay in haddii aynan baaqan u hoggaansamin in laga qaadi doono tallaabo dhanka habdhaqanka ah.