DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo maanta ku sugan Kajiado

0
265

Madaxweynaha dalka William Ruto oo ay wehelinayaan ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray ismaamulka Kajiado.
Munaasabad kaniiseed oo ka dhacday fagaaraha Ildamat Stadium, ayuu hoggaamiyaha dalka ka sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dhamaan madaxda la soo doortay iyadoo aan la eegeyn garabka siyaasadeed ee ay ka tirsan yihiin.
Shacabka Kajiado ayuu uga mahadceliyay sidii ay 9-kii bishii Siddeedaad ee sanadkii hore ay ugu doorteen hoggaanka wadanka isagoo madaxda u sheegay in la joogo xilliga la doonayo in loo adeego dadweynaha.
Ruto ayaa intaasi ku daray in madaxda dowladda ee uu ugu sarreeya aynan wax dhibaato ah ku qabin dhaliilaha loo jeedinaya haddii ay yihiin kuwo looga gol-leeyahay horumarinta qaranka.