Sabina Chege oo baarlamaanka ugu biirtay si magacaabid ah sidoo kalena ka tirsan garabka xisbiga Jubilee ee uu hoggaamiyo Kanini Kega ayaa baaq u dirtay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Waxay ka codsatay inuu isugu yeero siyaasiyiinta kala qaybsan ee Jubilee si looga heshiiyo arrimaha ay kala tabanayaan.
Sabina ayaa hoosta ka xarriiqday inaynan jirin cid ay dagaal gaar ah ku hayaan balse ay keliya diideen ka qayb galka dibadbaxyada isbeheysiga Azimio.
Waxay ku celcelisay inaynan marnaba doonayn inuu burburo xisbigii dalka soo hoggaamiyay sidaasi awgeedna ay diyaar u tahay xallinta khilaafka kala dhexeya dhinaca uu hoggaamiyo Jeremiah Kioni.