Kenya oo saddex abaal marin lagu siiyay Zimbabwe

0
331

Kenya ayaa ku guulaysatay saddex abaal marin ah ka dib markii dalka Zimbabwe lagu qabtay dabbaal degii 9-aad ee maalinka adeegga dadweynaha qaaradda Afrika ee (APSD) .
Waxaa abaal marinnada la guddoonsiiyay maamulka horumarinta gobolka Xeebta oo loo qiray waaxda ugu wanaagsan ee dhanka maamulka gaar ahaan hal abuurka.
Jaamacadda (JKUAT) waxaa la siiyay billadda ugu wanaagsan ee adeeg bixinta .
Abaal marinta saddexaad waxaa la guddoonsiiyay xarumaha Huduma Kenya oo lagu amaanay hab-maamulkeeda.
Waxaa sanadkan tartanka ka qayb galay 15 waddan.