DHAGEYSO:Wasiiradda caafimaadka oo sheegtay in la sifeynaya KEMSA iyo NHIF

0
273

Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa sheegtay inay billowday tallaabooyin lagula dagaallamaya musuqmaasuqa saameeyay maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee KEMSA.
Waxay hoosta ka xarriiqday inay u gudbi doonto sanduuqa qaran ee caymiska caafimaadka ee NHIF oo isna la soo tabiyay wax isdaba marin ka dhex jirta.

Arrimahan ayay wasiiraddu ka hadashay xilli ay shalay isbitaalka St. John’s Mission Hospital ay ka daahfurtay degmada Sirende ee deegaan baarlamaneedka Kiminini oo ka tirsan ismaamulka Trans Nzoia.
Waxay sheegtay in isbitaalka halkaasi laga dhisay oo ah midka heerka afaraad uu dardargelin doono bixinta daryeelka caafimaad ee gudaha Trans Nzoia iyo deegaannada u dhow.
Susan Nakhumicha ayaa intaasi ku dartay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay inay xoojiso iskaashiga kala dhexeya xarumaha caafimaad ee sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa ay maamulaan hay’adaha diimeed si loogu guulaysto barnaamijka caafimaadka guud ee UHC .