EACC oo xirtay askari ku eedeysan inuu laaluush qaatay

0
302

Saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa gacanta ku dhigay askari ka mid ah ciidamada booliiska ka dib markii uu dalbaday oo la siiyey lacag laaluush ah.
Sarkaalkan ayaa ka howlgalo saldhigga booliiska ee magaalada Mumias ee ismaamulka Kakamega.
Warbixinta EACC waxaa ku cad in Joshua Ouma Odour uu laaluush qaatay si uu u fasaxo baabuur ay ciidamadu la wareegeen oo ay dhigeen saldhigga booliiska.
Wadaha gaariga ayaa lagu eedeyay inuu kaxeynayay baabuur aynan muuqan taargadiisa.
Eedeysanaha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska ee ismaamulka Bungoma ka hor inta aan la qaadin tallaabada xigta.
EACC ayaa hoosta ka xarriiqday inay howlgalka lagu soo xiray sarkaalka guda gashay ka dib markii ay cabasho soo gaartay.