Senatarka ismaamulka Nairobi ahna Xoghayaha Guud ee xisbiga ODM ,Edwin Sifuna ayaa sheegay inuu gudbiyay mooshin ku aaddan in xilka laga xayuubiyo wasiirka wasaaradda ganacsiga , warshadaha iyo maalgashiga ee dalka Moses Kuria.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii uu dhawaan wasiirka adeegsaday qoraallo iyo hadallo lagu tilmaamay kuwo aflagaadeyn iyo handadaad ku ah warbaahinta.
Axaddii ayay ahayd markii uu Moses Kuria warbaahinta maxalliga ee Nation uu ku eedeyay inay la mid yihiin xisbi mucaarad ah ka dib markii ay warbaahintu shaaca ka qaadday fadeexad lala xiriirinaya wasaaradda ganacsiga ee uu hoggaamiyo Kuria.
Wasiirka ayaa sheegay in tallaabo laga qaadaya hay’addii dowladeed ee ay xayeysiin u sameyso shirkadda warbaahineed ee NMG taaso si wayn looga falceliyay.
Edwin Sifuna ayaa xilli uu saaka u warramayay idaacadda Radio Citizen waxaa uu sheegay in su’aal la gelinaya in Moses Kuria uu sii hayo xafiis dowladeed marka la eego habdhaqankiisa.
Sifuna ayaa sheegay inuu aqalka sare u gudbiyay mooshin uu ku doonaya in senatarrada ay ka doodaan habdhaqanka wasiirka maadaama ay qasab tahay in loo hoggaansamo dastuurka xurriyad siinaya warbaahinta.
Waxaa uu cambaareeyay hadallada wasiirka isagoo ku celceliyay in warbaahinta aynan iska tabin waxyaabo mala-awaal ah.