DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo shaaciyay in Nairobi laga hirgelinaya 3,500 oo fasallo dheeraad ah

0
342

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in gudaha caasimadda dalka ee Nairobi laga dhiso fasallo dheeraad oo gaaraya 3,500.
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay in lagu yareeyo ciriiriga ka jiro xarumaha waxbarashada ee ay dhigtaan arday tiro ahaan ka badan intii loogu talagalay.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in dowladda dhexe ay 3 bilyan oo shilin u qoondeysay in fasalladan dheeraadka ah lagu dhiso.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in la kordhiyay miisaaniyadda ay dowladdu ku bixiso barnaamijka quudinta ardayda.

Madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale ka hadlay tirada yar ee macallimiinta wuxuuna sheegay in sanadkan la shaqaaleysiin doono 25,000 oo macallimiin dheeraad ah