Mudavadi oo baaq u diray hay’adaha qaxootiga

0
291

Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa guddoomiyaha hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR Filippo Grandi ugu baaqay inay xaqiijiyaan in cuntooyinka loo baahan yahay laga iibsado beeralayda dalka.
Waxaa uu sheegay in tani ay horseedi doonto in galleyda , bariiska iyo cuntooyinka kale ee lagu soo saaro gudaha wadanka loo helo suuq lagu iibiyo.
Shir ka dhacay magaalada Nairobi oo looga hadlayay deegaamaynta qaxootiga ayuu Mudavadi ka sheegay in haddii hay’adahan ay iibsadaan cuntooyinka lagu soo saaro wadanka inay muujinayaan sida ay kenyaanka garab ugu siinayaan marti gelinta bulshada soo barakacday.