Xildhibaannada golaha qaran ee xeer dejinta ayaa maanta markii saddexaad akhrin doono hindise maaliyadeedka Finance Bill 2023.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii uu baarlamaanka qorshahan maaliyadda ee dowladda uu u codeeyay waxaana ka soo horjeestay ilaa 81 mudanayaal ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo mucaaradka Azimio uu wacad ku maray in haddii hindisaha uu meel maro ay dhigi doonaan dibadbaxyo qaran.