Kulan xal loogu raadinaya colaadda Suudaan oo bisha 8-aad lagu qaban doono Nairobi

0
246

Waxaa uu qorshuhu yahay in bisha Siddeedaad ee sanadkan magaalada Nairobi lagu qabto wada hadallada nabadeed ee la doonaya in lagu soo afjaro colaadda ka taagan wadanka Suudaan.
Wada hadalladan oo uu qaban doono urur goboleedka IGAD ayaa waxaa hoggaaminaysa dowladda Kenya.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee afar ka mid ah dalalka ka tirsan IGAD oo uu hor kacayo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Dr. Alfred Mutua ayaa ku heshiiyay xilliga ay wada hadallada nabadeed qabsoomayaan.
Waddamada kale ee geeddisocodkan qaybta ka ah ayaa waxay kala yihiin Itoobiya , Jabuuti iyo Suudaanta Koonfureed.