Madaxweyne Ruto oo ku baaqay in aan la carqaladeyn howlaha gargaarka ee Suudaan

0
323

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhinacyada ku dagaallamaya wadanka Suudaan ugu baaqay inay hay’adaha bixiya gargaarka baniaadannimo u oggolaadaan inay si madax bannaan uga howl galaan gudaha dalkaasi iyagoo aan la carqaladeyn.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in hay’adaha ay ku dadaalayaan in la qafiifiyo culeyska soo gaaray shacabka ee ka dhashay isku dhacyada sidaas awgeedna la doonayo in adeegyadooda ay fidiyaan hakad la’aan.
Arrintan ayuu madaxweynaha dalka William Ruto ka hadlay xilli uu la kulmay madaxa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR Filippo Grandi oo warbixin ka siinayay xaaladaha baniaadannimo iyo dhibaatada qaxootinnimo ee gudaha Suudaan.
William Ruto ayaa sidoo kale ah madaxa hoggaamiyaasha afarta waddan ee ay IGAD u xil saartay xallinta dagaallada Suudaan.
Mr. Grandi ayaa madaxweynaha dalka u sheegay in xaaladda Suudaan ay ka sii dartay oo la filaya in tirada dadka qaxootiga ah ee ka cararaya isku dhacyada ka taagan wadankaasi ay gaarto labo milyan oo qof.
Waxaa uu walaac ka muujisay tirada sarreysa ee dadka ku sugan xuduudda Suudaan ay la leedahay waddamada Chad iyo Masar .
Grandi ayaa xusay in arrinta ugu wayn ee walaaca ku haysa ay tahay in aan la qadarin shaqaalaha gargaarka sidoo kalena la burburiyay xafiiskii hay’adda UNHCR ee magaalada Khartoum, caasimadda dalka Suudaan.
Mr. Grandi ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ku wargeliyay in hay’adda uu hoggaamiyo ay dhaqaale heshay maadaama ay shalay uruuriyeen lacag dhan 1.5 bilyan oo doolar.
UNHCR ayaa u baahan ilaa 3 bilyan oo shilin si ay ugu adeegsato howlaha gargaarka ee Suudan.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa soo dhaweeyay lacagaha loo uruuriyay hay’addan wuxuuna dhanka kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uga mahadceliyay hoggaamintiisa wanaagsan.