DHAGEYSO:Kulan la isku waafajinaya dugsiyada quraanka, madaarista iyo iskoollada oo lagu qabtay Wajeer

0
149

Waxaa magaalada Wajeer kulan loogu qabtay culimada, macallimiinta dugsiyada quraanka iyo madaarista.
Kulanka ayaa looga hadlayay sida la isku waafajin karo tacliinta dugsiyada , madaarista iyo iskoollada caadiga ah si ardayda ka soo jeedo bulshooyinka reer guuraga ay uga wada faa’iidaystaan noocyadan kala duwan ee tacliinta.
Shirka oo ujeeddada laga leeyahay ay tahay afti uruurin ayaa waxaa wakiil wareedka warbaahinta Star ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Mucaawiye faahfaahin ka siiyay mid ka mid ah barayaasha jaamacadda Umma.