Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa soo bandhigay barnaamij cunno lagu siinaya ardayda dhigta dugsiyada ku yaalla caasimadda wadanka.
Waxaa barnaamijkan ku baxaysa lacag dhan 1.2 bilyan oo shilin waxaana loogu talagalay inay ka faa’iidaystaan carruur dhan 250,000 .
Sakaja ayaa sheegay in meelo dhexe oo cuntada lagu kariyo laga hirgelin doono ismaamulka Nairobi si barnaamijkan uu u hirgalo.
Meelaha laga billaabo maanta cuntada lagu karinaya waxaa ka mid ah Waqooyiga deegaanka Dagoretti , bartamaha Embakasi , Koonfurta Embakasi ,Kasarani, Kibra, Makadara, Starehe, Roysamu, Ruaraka iyo Westlands
Guddoomiyaha ayaa sheegay in waalidiinta laga doonaya inay canugiiba maalin kasta ka bixiyaan 5 shilin halka dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ay bixin doonto qarashaadka intiisa kale.
Waxaa uu sheegay in cuntada la siin doono ardayda dhigta dugsiyda dowladda isagoo cid waliba oo awoodo inay barnaamijkan ka qayb qaadato ugu baaqay inay ku soo biirto.