DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo ka hadlay la dagaalanka maandooriyaha

0
261

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladda dhexe aynan marnaba ka laaban doonin howlgallada lagula dagaallamaya soo saaridda , qaybinta, ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyaha.
Kindiki ayaa xusay in khamriga sharci darrada ah iyo noocyada kale ee balwadda ay saameyn ku yeesheen ismaamullada dalka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in caqabadda ka taagan bartamaha wadanka ay tahay halis amni oo aad u daran kana khatarsan argagixisannimada.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in maandooriyaha loola dagaallami doono si la mid ah burcadnimada iyo kooxaha argagixisada ah.

Kithure Kindiki oo arrimahan ka hadlay xilli uu ku sugnaa deegaanka Maragua ee ismaamulka Murang’a ayaa dhanka kale baadariyaasha kaniisadaha ugu baaqay inay dowladda garab ku siiyaan sidii meesha looga saari lahaa shakhsiyaadka faafinaya caqiidooyinka halista ah isagoo tusaale u soo qaatay meydadka laga helay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi.