DHAGEYSO:Kenya oo ka mid ah meelaha laga xusaya maalinta carruurta ee Afrika

0
285

Iyadoo ay maanta tahay maalinta carruurta Afrika ee 16-ka bisha Lixaad ee June, ayaa waxa meelo badan oo ka mid qaaradda Afrika sida Kenya laga xusaya munaasabada maalintan.
Hal ku dhigga xuska maalinka carruurta ee sannadkan ayaa ah xuquuqda carruurta ee deegaanka .
Madaxa fulinta ee waaxda carruurta ee Kenya Cabdinuur Maxamad ayaa ka hadlay muhimadda maalinkan ay carruurta u leedahay.

Agaasimaha hay’adda xuquuqul aadanaha ee HAKI Afrika Xuseen Khaalid ayaa isna muujiyay dareenkiisa ku aaddan xuskan caalamiga ah wuxuuna soo hadal qaaday carruurta ka mid ah dadka ku dhintay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi.