DHAGEYSO:Madaxweynaha oo 5 milyan ku abaal mariyay haweeney ku guulaysatay orotanka 5000 oo mitir

0
234

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi abaal marin lacageed oo dhan 5 milyan oo shilin iyo guri ku yaalla xaafadda Parkroad ee caasimadda dalka oo uu qiimihiisu yahay 6 milyan oo shilin ku guddoonsiiyay Faith Kipyegon oo ku guulaysatay labo tartan oo caalami ah.
Ms Kipyegon ayaa toddobaad gudihiisa waxay jebisay rikoorka dunida ee dhanka orotanka gaar ahaan masaafada 1,500 oo mitir oo ay uga qayb gashay magaalada Florence ee dalka Talyaaniga iyo guusha 5,000 oo mitir oo ay ka soo hooysay magaalada Paris ee Faransiiska.
Faith ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in guusheeda looga mahadceliyay laguna sharfay gudaha wadanka.
Sidoo kale waxay hoosta ka xarriiqday in dad kenyaan ah oo ay kula kulantay caasimadda Faransiiska ee Paris ay dhiirigeliyeen maadaama aynan markii hore filayn inay ku guulaysan karto tartanka.

Madaxweynaha dalka William Ruto oo ay wehelinayeen ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua , wasiirka cayaaraha Ababu Namwamba iyo barasaabka Nairobi Johnson Sakaja ayaa sidoo kale abaal marin lacageed oo dhan 2 milyan oo shilin siiyay Ferdinand Omanyala oo horay ugu guulaystay tartanka 100-ka mitir.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya dowladda Kenya ay lacag dhan 5 milyan oo shilin siin doonto muwaadin kasta oo ku guulaysta tartan caalami ah.
Waxyaabaha kale ee lagu dhiirigelinaya cayaartooyda wadanka waxaa ka mid ah in la siinaya baasaboorka dibloomaasiyadeed.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa dhankiisa orodyahaannada kenyaanka ah ku boorriyay inay u tartamaan si sax ah oo aynan dhaawicin sumcadda dalka.
Waxaa uu kula taliyay inay maalgashi ku sameeyaan lacagaha la siiyo si marka ay howlgab noqdaan aynan ugu noolaan saboolnimo.