DHAGEYSO:Dadka deegaanka oo ka hadlay isdhexgalka kala dhexeeya qaxootiga IFO2

0
337

Xerada cusub ee IFO2 oo dhawaan la dajiyay qaxootigii ugu horreeyay ayaa waxaa sidoo kale deggan qaar ka mid ah dadka deegaanka Dadaab oo markii xerada laga guuray ku noolaa xafiisyadii iyo guryihii ay hay’aduhu lahayeen balse hadda markii xerada dib loo furay ayay ka baxeen waxayna dhinac ka dageen xerada tani oo qayb ka ah isdhexgalka loo sameynaya bulshada deegaanka iyo qaxootiga.
Sahal Saalax Cali oo ah guddoomiyaha dadka deegaanka ee xerada IFO2 oo u warramay Maxamad Baaruud Xuseen ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin nolosha cusub iyo adeegyada ay helayaan.