Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay Faransiiska

Weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay Faransiiska

Waxaa lagu soo warramayaa in dhowr qof oo ay ku jiraan carruur yar yar ay ku dhaawacmeen weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay goob lagu nasto oo ku taalla buuraha Alps ee dalka Faransiiska, sida ay booliiska maanta sheegeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ay ku sugan yihiin xaalad halis ah.
Warbaahinta maxalliga ee Faransiiska ayaa ku warrameysa in weerarkan uu dhacay abaare 9:45 subaxnimo ee saacadda maxalliga ee wadankaasi.
Maamulka gobolka Haute-Savoie ee Faransiiska ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in lix qof oo dhaawacmay ay ku jiraan afar carruur ah.
Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo booliis ah oo aan la magacaabin ayaa ku warrantay in hal qof oo wayn iyo afar carruur ah ay weerarka mindida ku dhaawacmeen.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Faransiiska Gerald Darmanin ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in tuhmane haybtiisa aan wali la aqoonsan loo xiray weerarkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments