Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa maanta sheegay in wasaaradda maaliyadda ee dowladda dhexe ay toddobaadkan ismaamullada ku wareejin doonto miisaaniyadii ay ahayd inay qaataan bishii 4-aad ee sanadkan.
Arrintan ayuu ka hadlay ka dib markii uu shir guddoomiyey kulanka 20-aad ee golaha dowladda dhexe iyo ismaamullada u qaabilsan arrimaha miisaaniyadda iyo dhaqaalaha ee (IBEC).
Shirka ayaa ka qabsoomay hooyga madaxweyne ku xigeenka ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.
Gachagua ayaa intaasi ku daray in lacagihii ay dowladda dhexe bishii hore ee May siin lahayd ismaamullada in lagu wareejin doono 19-ka bishan Lixaad.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay barasaabyada dowlad deegaannada u faahfaahiyeen culeysyada ay wajahaysa wasaaradda maaliyadda.
Mr. Gachagua ayaa xusay in guddoomiyaasha ismaamullada ay faahfaahinta dowladda ku qanceen iyadoo wada xaajoodyo ka dib lagu heshiiyay xilliyada ay wasaaradda maaliyadda soo saari doonto dhaqaalaha ismaamullada ka maqan.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sheegay in ismaamullada ilaa iyo hadda la siiyay lacag dhan 305 bilyan oo shilin halka dhaqaalaha ka maqan uu yahay 94 bilyan.
Gachagua ayaa tilmaamay in dowladda dhexe iyo ismaamullada ay ka siman yihiin ajeendaha lagu wanaajinaya nolosha shacabka iyadoo loo maraya horumarka.
Kulanka maanta ayay mas’uuliyiinta dowladda dhexe iyo ismaamullada ku heshiiyeen inay sii adkeeyaan wada shaqeynta ka dhexeysa ee dhinacyada kala duwan ah sida dakhli uruurinta , isbeddellada lagu sameynaya wax soo saarka beeraha , la dagaalanka khamriga iyo si guud adeegsiga maandooriyaha iyo qodobbo kale.
Rigathi Gachagua ayaa sheegay in maamulka madaxweyne William Ruto uu sii wadi doono inuu la shaqeeyo barasaabyada iyo hay’adaha kale si loo xoojiyo nidaamka dowlad wadaajinta si uu qabo dastuurka dalka.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladda dhexe iyo ismaamullada oo yeesha wada tashi joogto ah inay horseedaysa in shacabka si habsami leh loogu fidiyo adeegyada ay u baahan yihiin.
Barasaabyada ka qayb galay kulanka maanta ee IBEC ayaa sheegay inay jiraan lacago badan oo aynan caddeyn sida loo isticmaalay sidaasi awgeedna aynan dhaqaale dheeraad ah qoondeyn doonin ilaa iyo inta laga soo bandhigaya dokumeentiyada loo baahan yahay.
Shirka uu guddoomiyay madaxweyne ku xigeenka dalka waxaa sidoo kale lagu eegay hindisaha sanadkan ee la xiriira qoondeynta lacagaha deegaannada dalka la iskula simo dhanka horumarka ee loo yaqaano Equalization Fund oo hadda baarlamaanka hor yaalla si dib u eegis loogu sameeyo oo aan dhaqaalahan looga qadin ismaamullada u baahan.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay inay kulmi doonaan guddiga sanduuqa iskudheellitirka horumarineed ee deegaannada iyo guddiga qoondeynta dakhliga ee CRA si loo eego qaabka lagu soo xushay ismaamullada dhinaca horumarka ku dambeeya.
Waxaa uu xusay in tani looga gol-leeyahay xaqiijinta caddaalada iyo sinnaanta dhanka maalgelinta ah.
The National and County Governments have a common agenda of improving the lives of the people through development.
This was evident today during the 20th Session of the Intergovernmental Budget Economic Council, which I chaired today at the Official Residence in Karen, Nairobi.… pic.twitter.com/RyMAuSSoUG
— H.E. Rigathi Gachagua, EGH (@rigathi) June 5, 2023