Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inay qasab tahay in hay’adaha caalamiga ee lacagaha ay soo afjaraan waxa uu ku tilmaamay takoorka.
Waxaa uu xusay in hay’adahan oo dib u habeyn lagu sameeyo ay kaalin wayn ka qaadan karto la tacaalidda saboolnimada iyo yareynta sinnaan la’aanta ka jirta caalamka.
Ruto ayaa si cad u sheegay in maalgelinta horumarka uu yahay mid aan dhameystirnayn oo laga dheehan karo takoor.
Arrintan ayuu ka sheegay magaalada Nairobi xilli uu si rasmi ah u furay kal-fadhiga labaad ee golaha qaramada midoobay u qaabilsan dhanka hooyga.
Waxaa uu sheegay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay ka shaqeynta sidii shacabkeeda ay ugu noolaan lahaayeen guriyo tayo ahaan wanaagsan.
Madaxweynaha ayaa markii dambe la kulmay wasiirka guriyeynta ee dalka Masar Dr Assen El-Gazzar iyo wasiirka horumarinta dowladaha hoose ee dalka Malaysia Hono Nga Kor Ming.
Labada wasiir ayaa muujiyay inay diyaar u yihiin taageeridda qorshaha ay dowladda Kenya meesha uga saareyso xaafadaha isku raranta ah.
𝐈𝐍𝐓𝐄𝐑𝐍𝐀𝐓𝐈𝐎𝐍𝐀𝐋 𝐅𝐈𝐍𝐀𝐍𝐂𝐈𝐀𝐋 𝐈𝐍𝐒𝐓𝐈𝐓𝐔𝐓𝐈𝐎𝐍𝐒 𝐌𝐔𝐒𝐓 𝐄𝐍𝐃 𝐃𝐈𝐒𝐂𝐑𝐈𝐌𝐈𝐍𝐀𝐓𝐈𝐎𝐍, 𝐏𝐑𝐄𝐒𝐈𝐃𝐄𝐍𝐓 𝐑𝐔𝐓𝐎
The re-engineering of the international financial architecture will help tackle poverty and reduce inequality in the world.
President… pic.twitter.com/UIS9ncpKa6
— State House Kenya (@StateHouseKenya) June 5, 2023