DHAGEYSO:Wajiga saddexaad ee meydadka looga soo saaraya Shakahola oo maanta billaabanaya

0
234

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa shaaciyay in maanta la billaabi doono wajiga saddexaad ee meydadka looga soo saaraya keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Dhanka kale guddi uu madaxweynaha dalka William Ruto u xil saaray inuu dib u eegis ku sameeyo xarumaha iyo ururrada diimeed ayaa maanta billaabi doono inuu uruuriyo aragtida dadweynaha.
Kindiki ayaa dhammaan kenyaanka ku boorriyey inay afkaartooda si ay daacadnimo ku dheehan tahay ula wadaagaan guddigan oo uu hoggaaminaya Rev. Mutava Musyimi.
Wasiirka ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka hoosta ka xarriiqay in dowladda aynan marnaba ka gaabin doonin in meesha laga saaro madaxda diimeed ee marin habaabinaya shacabka taabacsan.
Kindiki ayaa intaasi ku daray in saraakiisha dambi baarista ee ku sugan Shakahola ay arken 22 xabaal wadareedyo ah oo la eegi doono meydadka ku jira.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda gudaha keyntaasi laga helay meydad gaaraya 242 oo la rumeysan yihiin inay yihiin dad ku xirnaa baadariga kaniisadda Good News International Paul Mackenzie ee ku eedeysan inuu kula taliyey inay cuntada iyo biyaha ka afxirtaan ilaa ay ka geeriyoodeen.