Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 8 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Kiambu

8 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Kiambu

Shil xalay ka dhacay waddada u dhexeysa degmooyinka Githunguri iyo Ruiru ee ismaamulka Kiambu ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 8 qof.
Shacabka tuulada Kwa Maiko ee Gitunguri ayaa maamulka qaran ee dhisa waddooyinka waawayn ee KeNHA ugu baaqay inuu wadadaasi geliyo kuukuus ama waxa loo yaqaano askariga jiifa si loo xakameeyo xawaaraha baabuurta.
Shilka ayaa laga soo tabiyay meel u dhow aagga Miguta.
Taliyaha booliiska ee degmada Githunguri, George Koros ayaa sheegay in shilka uu dhacay ka dib markii uu baabuurka xakameyn waayay wadaha gaari si gaar ah loo leeyahay oo ugu dambeyn ku dhacay gaadiidka dadweynaha ee qaada 14 rakaab ah.
Koros ayaa intaasi ku daray in 6 qof oo shilkaasi ku dhaawacmay lagu daaweynaya isbitaallada Kiambu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments