Mudanaha deegaan baarlamaneedka Mavoko ee ismaamulka Machakos Patrick Makau ayaa sheegay in madaxweynaha dalka William Ruto uu hayo fikrado horumarineed oo wanaagsan balse uu dhaqangelintooda ku soo beegay xilli aan ku habboonayn.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay hindise maaliyadeedka sanadkan oo uu ku tilmaamay mid ciqaab ku ah canshuur bixiyaha culeys dareemaya.
Xilli uu ku sugnaa degmada Athi River ayuu mudanayaasha laga soo doortay gobolkaasi ka codsaday inaynan u codeyn hindise maaliyadeedka
Waxaa uu madaxweynaha ugu baaqay inuu dhageysto kenyaanka oo sida uu hadalka u dhigay uunan ku qasbin qorshaha maamulkiisa.