Senatarka Kiambu oo doonaya in kenyaanka loo kordhiyo fasaxyada qaran

0
166

Senatarka ismaamulka Kiambu ,Karungo wa Thangwa ayaa doonaya inuu gudbiyo soo jeedin ku aaddan in la kordhiyo tirada fasaxyada qaran ee gudaha wadanka looga dabaal dego.
Siyaasigan ayaa ku talinaya in haddii tusaale Talaadada ay ku beegan tahay fasax qaran in sidoo kale Isniinta ka horreysa ay shacabka shaqooyinka ka nastaan.
Sidoo kale waxaa uu doonaya in haddii fasax qaran uu ku soo aado Khamiis , in Jimcada ku xigtana fasax laga dhigo.
Senatarka ayaa ku doodaya in tani ay shaqaalaha fursad u siinaysa inay jir ahaan iyo maskax ahaan nastaan si sare loogu qaado wax soo saarka waaxyaha kala duwan.
Waxaa uu senatarka Kiambu intaasi ku daray in tirada fasaxyada oo la kordhiyo ay sare u qaadaysa dalxiiska maxalliga ah maadaama ay dadweynaha waqti u helayaan inay meelo fog u safraan.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka-ga ayuu Karungo wa Thangwa soo jeedintiisa ugu magacdaray fasaxyada dhaqaale wuxuuna tusaale u soo qaatay in wadanka Sri Lanka ay ka jiraan fasaxyo gaaraya 25.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here