Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Mucaaradka oo dhaliilay khudbadii shalay ee madaxweynaha

Mucaaradka oo dhaliilay khudbadii shalay ee madaxweynaha

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka tirsan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa dhaliil u jeediyay madaxweynaha dalka William Ruto gaar ahaan in uunan khudbadiisi shalay ee xuska qaran ee Madaraka Day uunan ku soo qaadan yareynta qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Opiyo Wandayi ayaa barta Twitter-ka ku sheegay in madaxweynaha uu xoogga saaray muhiimadda ay leedahay meel marinta hindise maaliyadeedka Finance Bill 2023.
Waxaa uu intaasi ku daray in hoggaamiyaha wadanka uu kenyaanka u ballanqaaday waxyaabo badan in kastoo uunan si faahfaahsan u soo bandhigin qorshaha lagu dhaqangelinaya ballanqaadyadiisa.
Opiyo ayaa hoosta ka xarriiqay inuu daawaday khudbadii madaxweynaha balse uunan ku farxin.
Waxaa uu sheegay in madaxweynaha uunan kenyaanka u sharraxin sababta hindise maaliyadeedka sanadkan uu culeysyo dheeraad ah u xambaarsan yahay.
Mudanaha laga soo doortay bartamaha ismaamulka Kitui Makali Mulu ayaa dhaliil tani la mid ah u jeediyay madaxweyne William Ruto.
Xildhibaanka ayaa su’aal geliyay sida ay ku suurtageli karto in la helo dhaqaale lagu hirgelinaya ballanqaadyada dowladda iyadoo ay jirto caqabad dhanka mushaar bixinta ah.
Mudanaha deegaan baarlamaneedka Koonfurta Pokot David Pkosing ayaa madaxweynaha ku dhaliilay inuunan shalay soo bandhigin qorshaha dib u soo noleynta dhaqaalaha.
Xildhibaanka deegaanka Nyando Jared Okello ayaa isna sheegay in kastoo madaxweyne Ruto uu qiray inuu dalka ka jiro culeys nololeed haddana inuu riixaya hindise maaliyadeed shacabka ku kordhin doono canshuuraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments