Guddoomiyaha baarlamaanka oo ku baaqay in aan la carqaladeyn horumarka

0
230

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa sheegay in dimuqraadiyadda wadanka ay soo martay marxalado kala duwan sidaasi awgeedna ay lagama maarmaan tahay in aan la carqaladeyn horumarka la gaaray.
Waxaa uu sheegay in maanta oo kale oo wadanka looga dabaal degaya xilligii madax bannaanida in loo baahan yahay in laga hadlo muhiimadda dimuqraadiyadda.
Wetangula ayaa siyaasiyiinta ugu baaqay inay ka tanaasulaan siyaasadda aan wanaagsanayn oo ay diiradda saaraan horumarinta qaranka.
Guddoomiyaha ayaa ku taliyay in siyaasad awgeed aan tallaabooyin lagu khasaaray laga dhigin dadaalladii halyeeyadii u soo dagaallamay xurriyadda Kenya.
Wetangula ayaa soo jeediyay in la sameeyo isbeddel bulsho oo xoogga la saaro yareynta heerka saboolnimada iyo in shacabka la gaarsiiyo biyo nadiif ah.