DHAGEYSO:Siyaasiyiinta Kisii oo madaxweynaha baaq u diray

0
306

Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Koonfurta Kitutu Chache ee ismaamulka Kisii Anthony Kibagendi iyo senatarka dowlad deegaankaasi Richard Onyonka ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu dib u dhigo hindise maaliyadeedka Finance Bill 2023 iyo lacagaha shaqaalaha laga jaraya ee lagu biirinaya sanduuqa guriyeynta.
Waxay labaduba sheegeen in arrimahan aynan hadda ahayn kuwo degdeg ah sidaasi awgeedna aan loo baahneyn in shacabka la daala-dhacaya saameynta sicir bararka nololeed la saaro canshuur dheeraad ah.

Xoghayaha guud ee xisbiga UDA Cleophas Malala ayaa dhankiisa dadweynaha ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan fursadda la siiyay ee ay afkaartooda ku saabsan hindise maaliyadeedka ugu gudbin karaan baarlamaanka.