Hay’adda M-PESA Foundation oo ka mid ah laamaha tabarucaadda ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa toddobaadkan billaabaysa adeegyo caafimaad oo loo fidin doono shacabka ku nool 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay.
Barnaamijyadan ayaa waxaa ka faa’iidaysanaya 60,000 oo qof oo Kenyaan ah.
Guddoomiyaha M-PESA Foundation, Nicholas Nganga ayaa sheegay inay adeegyadan ku qarash gelinayaan lacag dhan 46 milyan oo shilin.
Adeegyadan oo laga billaabi doono ismaamulka Lamu ayaa waxaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay Stephen Kiptinness oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda Safaricom.
Waxaa sidoo kale taageeradan dhanka caafimaadka ah soo dhaweeyay barasaabka Lamu , Issa Timamy




