Hay’adaha ammaanka oo xaafadda Islii ku qabtay saad argagixiso

0
278

Howlgal amni oo ay si wadajir ah u fuliyeen hay’ado kala duwan ayaa lagu carqaladeeyay silsilad sahay oo lala xiriirinayo argagixisada, ka dib markii lagu qabtay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi dhar ciidan oo looga shakisan yahay inii loo waday kooxda Al-Shabaab. Howlgalkan oo ku salaysnaa xog sirdoon ayaa dhacay xilli habeenimo ah, waxaana hoggaaminayay laanta dambi baarista ee deegaanka Starehe iyo cutubka la dagaallanka argagixisada ee ATPU.
Tallaabadan ayaa daba socotay qabasho hore oo ka dhacday magaalada Dhoobley 6-dii bishan April, halkaas oo ciidamada Jubbaland ay ku heleen 25 jawaan oo dhar ciidan ah. Baaritaanno degdeg ah ayaa muujiyay in sahaydan ay ka mid tahay shabakad ballaaran oo ka gudubta xuduudaha, iyadoo loo waday nin lagu magacaabo Cabdi Xakiim oo hadda xiran. Raadraac ayaa sidoo kale lagu helay qayb ka mid ah sahayda oo loo soo diray Islii.
Ciidamada ammaanka ayaa ka soo qabtay goobaha Gaani Parcel Express iyo Vision Point Express wadar ahaan 12 jawaan oo ay ku jireen boqolaal dhar ciidan iyo funaanado. Baaritaan hordhac ah ayaa muujiyay in maareeyaha Gaani Parcel Express uu si ku meel gaar ah u keydiyay sahaydan ka dib markii uu ka guddoomay qof lagu magacaabo Shariif.
Baaritaanka ayaa sii ballaartay, iyadoo lala xiriiriyay shirkad lagu magacaabo Safe Link Cargo oo la rumeysan yahay inay dalka soo gelisay 37 jawaan oo kale oo ka yimid Shiinaha, kana soo degay dekedda Mombasa. Shaqaale ka tirsan shirkaddaas iyo shaqsiyaad kale ayaa lala xiriiriyay shabakadda sahayda, waxaana hadda gacanta lagu hayaa eedeeysanayaal muhiim ah, iyadoo baaritaannada ay weli socdaan si loo burburiyo dhammaan shabakadda.