Nyando: Dab xalay burburiyay mid ka mid ah qaybaha jiifka ee dugsiga Kachogo

0
377

Waxaa lagu soo warramayaa inuu burburay mid ka mid ah qaybaha ay ardayda seexdaan ee dugsiga sare ee Kochogo oo ku yaalla deegaan baarlamaneedka Nyando ee ismaamulka Kisumu ka dib dab halkaasi ka kacay.
Laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyay in dabka uu billowday abaare 7:30 fiidnimo xilli ay ardayda casharrada muraajaceynayeen.
Waardiyaha dugsigaasi ayaa maamulka ku wargeliyay dabka qabsaday qaybta jiifka in kastoo aan durbaba lagu guulaysan in la demiyo.
Ilaa iyo hadda ma cadda baaxadda rasmiga ee burburka ka dhashay dabka oo loo aaneeyay cillad koronto.