Xisbiga Thirdway Alliance oo iska fogeeyay dacwad ka dhan ah BBI

0
403

Xisbiga Thirdway Alliance ayaa sheegay in uunan qayb ka ahayn qorsho kasta oo looga soo horjeedo hannaanka sharci beddelka ee BBI.
Xoghayaha guud ee xisbigan Fred Okango ayaa xusay in aynan ku lug lahayn dacwad baarlamaanka la hor geeyay oo su’aal gelisay sharcinimada qorshahan.
Okango ayaa carrabka ku adkeeyay in ay horay kaga soo horjeedeen BBI balse ay isbeddel ku sameyeen mowqifkoodi.
Hindisahan ayaa hadda hor yaalla guddiga arrimaha cadaaladda iyo sharciga ee golaha qaran ee xeer dejinta.
Waxaa uu qorshuhu yahay in bisha soo socoto uu guddigan baarlamaanka iyo aqalka sare u gudbiyo warbixin ku saabsan BBI.