Wasiirka arrimaha dibadda ee Giriigga oo gaaray Turkiga

0
283

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Giriigga Nikos Dendias ayaa maanta tagay wadanka Turkiga gaar ahaan meelaha uu Isniintii saameeyay dhulgariirka.
Bayaan ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in socdaalka mas’uulkan uu yahay mid garab istaag loogu muujinaya Turkiga in kastoo uu labada dhinac muddo khilaaf ka dhexeya.
Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay dhigiisa Turkiga Mevlut Cavusoglu.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Giriigga ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee Yurub ee Turkiga tago tan iyo musiibadii dhacday maalmo ka hor.
Nikos Dendias iyo Mevlut ayaa hadda ku sugan magaalada Antakya, ee gobolka Hatay oo uu si wayn u saameeyay dhulgariirka halkaasi oo samatabixiyeyaal ka soo jeedo Giriigga ay ka qayb qaadanayaan howlaha gurmadka iyo raadinta dadka weli la la’yahay.
Waxaa maanta burburka hoostiisa laga soo saaray canug dhallan toddobo bilood iyo gabadh qaangaar ah.