Dowladda oo dib ugu soo celisay madaxweyne ku xigeenka 202 milyan oo shilin

0
225

Lacag dhan 202 milyan oo shilinka dalka ah oo uu leeyahay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua taas oo ay dowladda horay uga xannibtay ayaa dib loogu soo celiyay.
Hay’adda gacanta ku haysa hantida ay dowladda soo celiso ee ARA ayaa sheegtay in markii ay soo ururiyeen caddeymo cusub ay ogaadeen in lacagtaas lix bilood ka hor laga xayuubiyay Gachagua aanay ahayn mid si musuqmaasuq ah uu ku helay.
Waxaa ay intaasi ku dareen in ku xigeenka madaxweynaha uu sharraxay halka ay ka timid lacagtaas iyo sharci ahaanshiyaheeda islamarkaana ay ku qanceen.
Mr. Gachagua ayaa sanadkii hore sheegay in mid ka mid ah riyadiisa marka uu noqdo madaxweyne ku xigeenka ay tahay in uu dib u soo ceshado lacagaha laga xayiray ka dib markii ay dowladdii hore su’aal galisay halka uu ka keenay ilaa 12.5 bilyan oo shilin oo soo martay akoonnadiisa bangiga.